Bartamaha (Muqdisho)Mid ka mida mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in la soo afjarayo kooxaha dowlada diidan Ee Dagaalada ka wada dalka.
Xildhibaan Ibraahim Xasan Kuulow oo maanta saxaafada kula hadlay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom loo diyaariyay la dagaalanka Islaamiyiinta Mucaaradka ah.
Mudanahaasi ayaa waxa uu sheegay diyaar garow buuxa oo la galiyay dhammaan Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada islamarkaana ay heegan buuxa ugu jiraan sidii ay meesha uga saari lahaayeen dhammaan Islaamiyiinta Mucaaradka.
Xildhibaankaasi ayaa ugu danbayntii shacabka ugu baaqay in ay adkeystaan islamarkaana uu sheegay in dhawaan la soo afjari doono kooxaha qaska ka wada dalka .
Mudanaha maanta sheegay in Amisom ay soo afjari doonto Mucaaradka ayaa waxa uu imanayaa xilli dhawaan wasiirka gaashaandhiga Ugandha uu sheegay in weeraro ay ku qaadi doonaan fadhiyada Islaamiyiinta.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.