Xildhibaan Baarlamanka ka tirsan oo hanjabaad kala kulmay Taliska Ciidamada Daraawiishta.

Posted on Nov 23 2009 - 2:44pm by News Desk
Tweet
Pin It

barlamankkaBartamaha(Muqdisho):-Xildhibaan C.nuur Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in uu Qatar kala kulmay Taliska Ciidamada Daraawiishta xilli uu dhawaan ka hadlay khilaafka Ahlu-Sunnah iyo Dowlada.

Xildhibaan C/Nuur ayaa sheegay in Taliska Ciidamada Daraawiishta ay xiriir la soo sameeyeen islamarkaana ay ugu hanjabeen in ay dilayaan haddii uu warbaahin danbe ka hadlo.

Xiildhibaanka ayaa Saxaafada maanta u sheegay in uu khatar kala kulmay saraakiil sare oo Ciidamada Daraawiishta ah ka dib markii uu ka hadlay khilaafka Madaxweynaha kala dhexeeyay Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca.

Xildhibaan C/nuur Maxamed ayaa ugu danbayntii sheegay in aanu marnaba sharciga iyo xuriyada hadalka ku jirin in Dowlada ay u hanjabto Xildhibaanada kuwaasi oo uu sheegay in aanay haatan codkooda xur u ahayn.

Hadalka Xildhibaanka ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaan Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga uu Warbaahinta ka sheegay in Xildhibaankaasi aanu sharci u lahayn ka hadalka khilaafka Ahlu-Sunnah iyo Dowlada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.