Xiisad ka taagan Laascaanood iyo 60-qof oo Xabsiga Caynabo la geeyay.

Posted on Feb 7 2010 - 8:07am by News Desk
Tweet
Pin It

LaascaanoodBartamaha(Laascaanood):-Xiisad iyo rabshado ayaa weli ka taagan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool halkaasi oo ay isku hayaan Dadka Deegaanka iyo Ciidamada maamulka Hargaysa.

Rabshad ayaa weli ka jirta Laascaanood iyadoo Ciidamo xoojin ay ay geeyeen maamulka sool Somaliland kuwaasi oo ay doonayaan in ay kula dagaalamaan dadka caraysan.

Xabsiyada Magaalada dadkii lagu xeray ayaa loo wareejiyay Deegaanka Caynabo oo ugu yaraan la geeyay in ka badan 60-qof oo u badan Macalimiin iyo Ciyaal School shalay banaanbax dhigay.

Xariga dadkaasi ayaa waxa uu yimid markii dhawaan qaraxyo iyo dilal ay ku soo noqnoqdeen Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool kadibna loo qabqabtay dadka bulshada ka dhex muuqda sida Macalimiinta iyo ardayda.

Lama oga jawiga sida uu noqon doono maadaama weli dadka ay yihiin kuwa caraysan oo doonaya in loo soo daayo Macalimiinta iyo ardayda xeran.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.