Bartamaha(Muqdisho):-Xaalad kacsanaan ah aya saaka laga dareemayaa Degmada X/Weyne Ee Muqdisho ka dib dil Xalay ka dhacay gudaha Degmadaasi.
Sida aynu wararka ku helnay waxaa Xalay gudaha Xamar Weyne lagu dilay Askari ka mida Ciidamada Dowlada oo koox hogaan u ah kaasi oo magaciisa lagu sheegay Xasan Xagaley.
Dilka ninkaasi ka dib ayaa waxaa Weerar lagu soo qaaday Saldhiga Xamar Weyne oo ay soo weerareen kooxdii uu taliyaha u ahaa ninka la dilay iyadoo Xaalada ay hawada isku shareertay.
Dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaa Saldhiga Afar Irdoon Ee Demada Xamar Weyne halkaasi oo Xalay la soo weeraray ka dib dilka Askari Ciidamada Dowlada ka tirsan.
Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne C/laahi Ibrahim Sahar Gardhuub ayaa sheegay in jawiga degmada uu yahay mid wanaagsan Xiisadna aanay ka taagnayn balse ay baaritaan ku hayaan sababta dilka iyo dagaalka dhalisay Fiidnmimadii Xalay.
Dadka Xamar Weyne ku sugan ayaa www.Bartamaha.Com u xaqiijiyeen in Xalada ay tahay mid cakiran baqdin dagaalna laga dareemayo hareeraha Saldhiga oo gawaari dagaal ay yaalaan.
Wixii Faah-Faahin dheeraad ah kala soco www.Bartamaha.Com oo haka dheeraan Insha Allaah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.