Bartamaha(Balad-Weyne):-Dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa saaka laga dareemayaa duleedka Magaalada Balad-Weyne iyadoo Ciidamada Dowlada ay ku soo dhawaadeen Magaalada.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada B/Weyne ayaa waxa ay sheegayaan in dhaqdhaqaaq xoogan saaka uu ka jiro duleedka Magaalada halkaasi oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Xizbul Islaam.
Ciidamada Dowlada ayaa lagu soo waramayaa in ay Magaalada ku soo dhawaadeen iyagoo ku sugan Buurta Janta-Kun-Shisho oo 5-KM u jirta Magaalada.
Ciidamada Xizbul Islaam ayaa iyana isku aruursadana gudaha iyo daafaha Magaalada wxaana laga baqayaa in dagaal uu halkaasi ka dhoco sida dadka deeganka ay sheegayaan.
Wixii ku soo kordha Xaalada Hiiraan kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.