Xiisad Colaadeed ayaa laga dareemayaa Xadka Gobolada Hiiraan Iyo Sh/Dhexe.

Posted on Jun 1 2009 - 5:58pm by News Desk
Tweet
Pin It

xiisadBartamaha(Muqdisho):-Dadka ku dhaqan Xadka ay wadaagaan Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa bilaabeen in ay isaga barakacaan guryahooda, kadib Xiisad Colaadeed oo halkasi ka soo cusboonaatay.

Qaar ka mid ah dadka deegaanadaasi ayaa sheegay in ay dadka intooda badan ay deegaanadaasi xadka ah ay isaga barakaceen, kadib markii ay beelo halkaasi wada daga ay iska kala dilen ilaa 6-ruux, xilli walibana laga cabsi qabo dagaal deegaanadaasi ka dilaaca.

Duqowda deegaanadaasi ayaa wada Waan waan aan salbuurneyn taasi oo ay ka dhexbilaabeen beelaha dagaalka aan kala go’a lahayn deegaanadaasi ku dhexmaraya.

Xadka labada gobal ayaa inta badan waxaa ku dagaalama laba beelood oo ka soo kala jeeda Hiiraan iyo Sh/Dhexe halkaasi oo inta badan aan xalkii laga gaaraa aanu sii socon mudda aan dheereen.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.

Muqdisho-Somalia.