Â
Xarunta Daryeelka Waayeelad ee Koonfurta Wadanka Soomaaliya ee Al-kheyraat xafiiskeeda Magaalada kismaayo ayaa sheegay in ay xaruntu qaabishay ilaa iyo 50 qof oo dad danyar ah kuwaasoo aan heli karin afurka iyo waxyaalaha lagama maarmaanka u ah isticmaalka bisha barakeysan ee ramadaanka.
Â
Macalin C/raxmaan Cismaan Jaamac oo ah Madaxa xarunta Alkheyraat oo maanta u waramayay Bartamaha ayaa sheegay in ay xaruntu bilowday martigalinta dadka tabaaleeysan ee ku sugan gudaha Magaalada Kismaayo, asagoona sheegay in xarunta lagu afuriyo dad tiradoodu gaareyso 50 qof oo ay kazoo aruuriyeen xeryaha dadka soo barakacayaasha ah ee ku yaal gudaha iyo daafaha Magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolkani J/hoose.
Â
Â
Haseyeeshee Xarunta alkheyraat oo ay maalgeliyaan Jaaliyado soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka dibadiisa ayaa labadii bilood ee ugu danbeeysay waxa ay waday dadaalo ay ku gacan qabaneyso dadka Tabaaleysan iyadoo haatan xarunta lagu quudiyo dad waaayeelo ah oo ay ku jiraan kuwo indho la’ oo aan dhamaantoodba wax ehello ah ku haysan gudaha Magaalada Kismaayo kuwaas oo tiradoodu gaareyso ilaa 20 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar.
Masuulka ugu sareeya Maamulka xarunta alkheyraat Macalin C/raxmaan ayaa ka codsaday dhamaanba umadda iyo qof walba oo Muslim ah in ay soo taageeraan Dadkaasi Tabaaleeysan islamarkaasina ay soo gaarsiiyaan Kaalmooyin Biniaadanimo oo Dag dag ah. Wuxuuna intaasi sii raaciyay in cid kasta oo dooneysa in ay gacan ka geysato caawinta dadka tabaaleysan ay kala soo xiiri karaan cinwaanka ah:- Â
 Â
Â
Warar Xaqiiq ah kala Soco Bartamah.com
Ismaaciil Cali
Kismayo-Somalia