Xarun Lagu Quudinayo Dadka Waayeelada Ah Ayaa Dhawaan Laga Furay Magaalda Kismayo Ee Xarunta Gobolka J/Hoose.

Posted on Aug 15 2009 - 7:08pm by News Desk
Tweet
Pin It

alkheyraat1

Xaruntaan oo lagu magacaabo AL-khayraad oo laga furay magaalada kismayo ayaa waxaa lagu uruurinayaa dadka waayeelada ah oo aysan wax dad ah ama ehelo ah ujoogin Aduunka waxaana xarunta hada lagu quudiyaa dad gaaraya illaa 19  qofood oo isugu jira Indhooleyaal iyo kuwo aan haysan wax miciin ah ama dad gacan ay kahelayaan oo eheladooda ah kuwaasi oo aan gabi ahaantoodba helikarin nolol maalmeedkooda.
 wayel
Dadkaan oo intooda badan laga kala keenay Xerooyinka Dadka Soo Baracay ee ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta G/J/hoose ayaa waxa gacanta ku haya Dad soomaaliyeed oo iyagu is xilqaamay  oo ku dhaqan Dalka Mareykanka, waxaana ay sheegeen in ay sii wadi doonaan Aruurinta Dadka Danyarta ah ee aan awoodi karin Qutul yonkooda.
 IMG_1069
Sheekh C/raxmaan oo ah Masuulka gacanta ku haya Xarunta Alkheyraat ee lagu Xanaaneeyo Dadka Waayeelada danyarta ah ee Soomaaliyeed oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa waxa uu sheegay in Dadkaan ay soo uruuriyeen ay ahaayeen kuwo ku dhibaateysan Gudaha magaalada Kismaayo90-wayel

aysanna jirin Cid Daryeelaysay, waxana uu ugu baaqay guud ahaanba dadka Soomaalida ah ee ku Nool Dalka iyo Dibeddiisa in ay gacan ka geystaan u gargaarista iyo Xanaaneynta Dadkani waayeelada ah ee ku dandareeysan gudaha wadanka Soomaaliya.

 IMG_1095

Sheekh C/raxmaan wuxuu intaasi ku daray in ay hada doonayaa in ay qaabilaan 24-qof oo kale inta aan la gaarin bisha Barakeysan ee ramadaanka, sidoo kale ay doonayaan in ay afuriyaan Dadka aan awoodi Afurka.

Isagoo ka Codsaday guud ahaan Dadka soomaaliyeed ee Islaamka ah ee awooda in ay caawiyaan Walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Wadanka isagoo ugu baaqay in ay ka qeybqaataan Howshaan Allah Ajarka looga raadinayo laguna caawinayo Dadka waayeelada ah ee la ilaaway.
 
Wuxuu ugu baaqay guud ahaan Dadka soomaaliyeed ee doonaya in ay ka qeybqaataan Howshani in ay ka kala soo xiriiri karaan Cinwaanka ah ama telka +25215916079.

 

Ismaaciil Cali Cabdi

Bartamaha-Kismayo-Somalia