Xarakada Alshabaab oo u digtay beeshii jabisaa hishiiskii shalay ka dhacay Aadan Yabaal.

Posted on Oct 27 2009 - 3:40pm by News Desk
Tweet
Pin It

alshabab_astantaBartamaha(Aadan Yabaal):-Xarakada Alshabaab ayaa digniin u jeerdisay beshii dhankeeda uu ka jabo hishiiskii shalay la kala sixiixday taasi oo dagaal ka dhan ah ay alshabaab la galayso.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dagaalada beeleedyada ka jiray Xadka Hiiraan iyo Sh.dhexe guul laga gaaray .

Afhayeenka ayaa waxa uu digniin u jeedayay beeshii jabisaa hishiiska isago wacad ku maray in dagaal ka dhan ah lala galayo maadaama Muslimiinta ay balan leeyihiin oo dagaalka mar laga hishiiyo.

Alshabaab ayaa sheegtay in ay sii wadayso ka warqabka hishiiska islamarkaana loo saaray gudi la socodka Xaalada labada beel kuwaasi oo ka shaqeyn doona isdhexgalka bveelahaasi.

Labada bee lee wada dagan Xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo sh.dhexe ayaa waxa ay dagaalamayeen sanado badan iyadoo hishiis walba oo ay gaaraan muddo yar gudaheed uu jabayay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.