Bartamaha (Muqdisho):-Xarakada Alshabaab Al-Mujaahidiin oo ka mida dhinacyada Dowlada Soomaaliya mucaaradka ku ah ayaa shaaca ka qaaday in ay nasiib daro tahay kulanka ay yeelanayaan Madaxweyne Shariif iyo Mrs.Hillary Clinton.
Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxmuud (Cali Dheere) oo saxaafada kula hadlayay qadka Telfonka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay kulanka ay yeelanayaan madaxweyne shariif iyo Hillary Clinton.
Sheekh Cali dheere ayaa ku tilmaamay kulankaasi mid lagu sii kordhinayo dhibaatada dalka soomaaliya isagoo sheegay in muhiimada Madaxweyne Shariif uu leeyahay ay tahay sidii uu awood uga raadin lahaa dowlaad Maraykanka .
“Kulanka Nairobi ka dhacaya waa mid shacabka dhibaatada ku dheceysa loo sii kordhin lahaa,mana ah mid soomaaliya loogu daneynayo ee waa sii kordhinta dhibaataynya shacabka muslimka ah …..“ ayuu yiri Afhayeenka Alshabaab.
Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali dheere ayaa wacad ku maray in ay Mujaahidiintooda diyaar u yihiin la dagaalanka quwad waliba oo Ciidan ah ee timaada dalka soomaaliya .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.