Xarakada Alshabaab oo jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo yeeray Dowlada Ugandha.

Posted on Sep 6 2009 - 4:16pm by News Desk
Tweet
Pin It

sheekhBartamaha (Muqdisho) Afhayeenka Xarakada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay u diyaar garoobeen weeraro uga yimaada dhanka Ciidamada Amisom isagoo sheegay in ay ka warqabaan dhaqdhaqaaqyada Ciidamadaasi.

Sheekh Cali Maxmuud Raage (Cali Dheere) Afhayeenka Xarakada Alshabaab o maanta la hadlayay warfidiyeenada ayaa waxa uu sheegay in aanay Ciidamada Amisom ku soo dhiiran Karin weeraro ay ku soo qaadaan goobaha ay joogaan Islaamiyiinta.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in hadalka ka soo yeeray Wasiirka gaashaandhiga Ugandha uu hordhac u yahay qorshayaal weeraro ah oo ay wadaan Ciidamada Ugandha isagoo ku hanjabay in ay guul daro kala kulmi doonaan.

Dhanka kale Sheekh Cali Dheere waxa uu ka jawaabay Eedeymo ku aadan wadooyinka Muqdisho oo ay qodeen taasi oo uu ku tilmaamay mid loo baahanyahay islamarkaana Islaamka horey ay u sameeyeen khidadaasi.

Afhayeenka Alshabaab ayaa gunaanadkii hadalkiisa waxa uu ku sheegay in ay sii wadayaan weerarada ay Xoogagooda ku qaadayaan fariisinada Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada Ee Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.