Bartamaha(Baardheere):-Xarakada Alshabaab Magaalada Baardheere ayaa soo saartay amaro haweenka lagu farayo xerashada Xijaabka taasi oo digniin loo raaciyay haweenka.
Sheekh Maxamuud Macalin Islaaciil Madaxa Dawcawada iyo Tacliinta Alshabaab Baardheere ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabo ka qaadayaan haweenka Degmada haddii aanay 15-cisho xijaabka ku qaadan.
Masuulkaasi Alshabaab u hadlayay ayaa ka sheegay Masjid ku yaala Degmada Baardheere in Haweenka loo diyaariyay Ciidamo tallaaba ka qada haddii aanay xeran Xijaabka.
Madaxa Dacwada iyo Tacliinta Maamulka Alshabaab Baardheere tilmaamay in maamulka ay hore digniin iyo fariin u jeediyeen haweenka balse xilgan ay tallaabo muuqata ka qaadanayaan .
Madaxa Dacwada ayaa ugu danbayntii ku hanjabay in la xerayo tacsiirna ay mutaysanayso haweenaydii ay soo qabtaan Ciidamada 15-maalmood ka dib iyadoo aan xijaabka wadan.
Amarkan ka soo baxay Alshabaab ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaanahan Ciidamadooda ay mararka qaar garaaci jireen haweenka aan wadan Xijaabka taasi oo qeyb ka ahayd amaro horey ay u soo saareen Xarakada Alshabaab Baardheere.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.