Bartamaha (Minnesot):- Xaflad Balaaran oo Xalay ka dhacday Gobolka Soomaalida dagan tahay Ee Minnestota ayaa waxaa aad loogu taageeray Musharax u tartamaya Kursiga Xaafada 61A.
Xaflada oo ahayd mid balaaran oo si heer sara ah loo soo agaasimay ayaa waxa ay xalay ka dhacday Gobolka Minnesota Ee Dalka Maraykanka iyadoo Hoolka Xaflada ka dhacaysay ay soo buuxiyeen Taageerayaasha Xizbiga Madaxa banaan.
Taageerayaasha Sadiq Warfaa ayaa dhammaan waxa ay muujinayeen sida ay ugu qanacsan yihiin Musharaxan isku taagan in uu u tartamo Kursiga Baarlamanka Ee xaafada 61A.
Sadik Warfa ayaa waxa uu ka hadlay gabagabadii Khudbadaha markii ay hadleen masuuliyiin ka socotay Magaalada Miniaplos iyo Soomaali badan oo isaga taageersan aya waxa uu isaguna jeediyay Khudbadiisa ku aadan siyaasadiisa.
Ninkan da’da yar ee hadda isku soo taagay qabashada Kursiga Xaafada 61-A ayaa waxa uu sheegay in uu isbadalo balaaran samayn doono waxa uuna hadalkiisa ka bilaabay in loo baahan yahay isbadal maadaama dad ay xilka hayaan in ka badan 30-Sano taasi oo uu muujiyay in isbadal loo baahan yahay.
Halkan ka daawo Khudbadii iyo Xafladii ka dhacday Minnesota:-
http://www.youtube.com/watch?v=TbfgRIv_Nak.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
ASALAAMU/CLAYKUM/WARAXMATULAAHI/WABARKATUHU
walalayaal waxaan doonayaa in aan wax yar ka hadlo
illaahay ,wuxuu na siiyay diin ,diintana waxay u baahantahay
in qof kastoo muslim ah uu ogadaa diinta islaamka
waxa aay ka qabto inta uusan sameyn waxa uu doonayo.
waxaan la yaabay dad muslim ah hadana doonaya
in aay xukuumad illahay qeyrkii laysku xukumayo ka
mid noqdo waxaas waa haya raac .ama hawa raac…
illahay inta laga xishoodo dadkaan waa dadka ..raga.rag xaaseysana
iyo haweyn .haweyn .la seexanaa laga helaa marka diinta yaynan idinka
halaabin .dad diin laheyn daba orodkood…