Xaflad Xuska Bisha Moowliid oo lagu dhigay dalka Sweden (Sawiro)

Posted on Mar 10 2010 - 2:28pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

mashaaikhda

Bartamaha (Stockholm):- Munaasabaddaan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u farabadan kuwaas oo wajiyadooda laga dheehan karay farxada ay u qabaan dhalshada nabigooda muxammed NNKH .

Waxaa lagu furay qur’aan iyo qasiidooyin nabi amaan ah , khudbado iyo wacdiyo ayaa dhextaal looga dhiga munasabada mowliidka nabiga SCW .

Mashaaikh waaweyn ee culumaaudiinka ahlusunna waljamaacah ayaa ka qeybqaadanayeye khubado balaaranna ka soo jeediyay waxa akamid ahaa Shiikh Cabdirisaaq yusuf Aadan , Shiikh maxamuud Guraceel , Shiikh cusmaan xaaji aadam , shiikh cabdiraxmaan mire jimcaale , iyo culumaaudiin kale iyadoo ay mashaaikhdaas waaweyn ay ka hadleen Siiradii nabiga SCW , maxabada nabiga oo ah jaceelka nabiga SCW , iyo mowduucyo badan oo diini ah .

Ddweynuhu ayagoo raxan raxan u socda oo aad moodo in guryihii lasoo faaruqiyay ayaa waxa ay soo gaarayeen hoolka weyn ee lagu qabtay ixtifaalka nabiga SCW .

Ugudanbaytii , waxaa si farxadi ku jirto u gabagaboobay munaasabadaas reer sweden gaar ahaan jaalaiyada soomaaliyeed ee caasimada dagan ay soo qabanqaabiyeen .

W/Q : Wariye Axmed khadar , IYo Mr Deeq
Email :[email protected] iyo [email protected]

sawirada hoos ka daawo

dadwaynaha

sh xuseen

culumada

sh ugaas