Xaaladda Magaalada Muqdisho oo saakay dagan ka dib dagaal shalay gabal dhicii ka dhacay duleedka Magaalada.

Posted on Dec 21 2009 - 9:34am by News Desk
Tweet
Pin It

DSC05348Bartamaha(Muqdisho):-Xaalada Muqdisho ayaa saakay xasiloon ka gadaal markii maalinti shalay galinkii hore iyo galinkii dambe ay dagaalo xoogani ku dhexmaray xoogaga Mujaahidiinta
 Al-shabaab iyo Dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM oo isu dhinac ah.
 
 Dagaalo xoogan oo shalay ka dhacay Halka Loo yaqaano Sar Kuusta kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo xoogaga Kooxda  Al-shabaab.
 
 Wararka naga soo gaarayo saakay halkaasi ayaa sheegaya in Gaadiidka Dadka shacabka ah uu halkaasi hakad uu ku jiro, ka dib markii ay xirantay wadada dheer ee isku xirta Afgooye iyo deegaanada ku soo barakacay ee Magaalada Muqdisho.
 
 Dagaalkani shalay ka dhacay halkaasi ayaa waxa qasaaro ka soo gaaray dad badan oo shacab ahi, kuwaasi ku noolaa inta u dhaxeysa Sar Kuusta iyo Garas Baaley.
 Wadada ka baxda Magaalada Muqdisho ayaa noqotay mida ugu dhibaatada badan maadama ay isaga soo horjeedaan Mucaaradka Kooxda Shabaab iyo Ciidanka Dowlada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.