Bartamaha(Muqdisho):-Xaalada Wadada Warshadaha Ee Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib dagaal qaraar oo Xalay ka dhacay Wadadaasi Warshadaha.
Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa Xalay waxa ay weerar ku qaadeen Fariisinka Ciidamada Amisom Ee Kuliyada Jaale Siyaad Muqdisho halkaasi oo qasaara xoogan dagaal sababay uu ka dhacay.
Dagaalka Xalay dhacay oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu galaaftay nolosha 4-ruux oo rayid ah iyo dhaawaca 7-kale kuwaasi oo la dhigay isbitaalada Muqdisho.
Saaka ayaa Xaalada ay tahay mid dagan iyadoo dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ay dib u bilaabatay wadada Warshadaha Ee Muqdisho wallow mararka qaar rasaas laga maqlayo wadadaasi.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.