Xaalada nolol xumo oo la soo derestay shaqaale afdub loogu haysto soomaaliya.

Posted on Aug 31 2009 - 5:03pm by News Desk
Tweet
Pin It

burcadda badahaBartamaha(Muqdisho):-Xaalad nolol xumo ayaa la soo derestay shaqaale u dhashay Wadanka Ukrain oo dhawaan ay afduub u geysteen kooxaha Burcad badeeda Wadanka Soomaaliyaa.

Shaqaalahan oo u dhasheen Dalka Ukriane ayaa waxaa qafaalasho loogu heystaa xeebaha soomaaliya, kadib markii ay afduubteen muddo 3-bilood ka hor kooxo burcad badeed Soomaali ah.

Sarkaal Caafimaad oo u dhashay dalka Ukrain oo sheegay in uu  xariir dhanka isgaarsiinta ah la sameeyey shaqaalahasi u sheegeen in Saddex ka mid ah shaqaalahaasi oo haween ah aad u liitaan, isla markaana kooxaha burcad badeeda ka diideen in ay u sii daayaan saddexdaasi bukaan.

Ragga xanuunsanaya ayaa waxaa la sheegay in Xaalad nolol xumo ay la soo derestay Shaqaalahaasi afduubka loogu haysto xeebaha Dalka Soomaaliya kuwaasi oo Burcad badeeda ay ka doonayaan lacago Madax furasho ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.