Xaalada Muqdisho oo saaka Xasiloon ka dib dagaal Xalay ka dhacay Kuliyadii Jaale Siyaad.

Posted on Oct 31 2009 - 8:57am by News Desk
Tweet
Pin It

muqdisho,newBartamaha(Muqdisho):-Xaalada guud ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib dagaal Xalay ka dhacay Wadada Warshadaha Ee Muqdisho halkaasi oo la weeraray fariisinka Amisom Jaale Siyaad.

Jawiga guud Ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka Xasiloon ka dib markii madafaiic iyo dagaal Xalay uu ka dhacay Wadada Warshadaha iyo Dayniile ka dib markii la weeraray fariisinka AMisom Jaale Siyaad.

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid aad u xoogan kaasi oo Kooxaha Islamaiga ah ay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisinka Ciidamada Amisom ee Kuliyada oo qasaara uu ka soo gaaray dad shacab ah.

Laba ruux ayaa dhimatay ka dib markii Madfac uu kula dhacay guri ay ka daganaayeen Xaafada Raadeerka Degmada Dayniile halkaasi oo Amisom ay Madaafiic jawaab ah ku garaaceen.

Lama oga qasaaraha labada dhinac kala gaaray marka laga reebo shacabka Muqdisho oo joogta looga dhigay Madaafiic ay ku dhintaan Maatada aan waxba galabsan oo labada dhinac ay ku kor dagaalaman.

Wadada Warshadaha ayaa saaka si caadi ah u shaqeynaysa iyadoo aanay jirin wax saamayn muuqata ah oo halkaasi laga dareemayo marka laga reebo rasaata oo geedaha jartay ku yaala wadada Kuliyada hareer marta.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.