Xaalada Muqdisho oo saaka dagan iyo qasaara ka dhashay duqeyn iyo dagaal xalay dhacay.

Posted on Jan 13 2010 - 7:15am by News Desk
Tweet
Pin It

muqdBartamaha(Muqdisho):-Xaalada guud Ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib dagaal iyo duqeyn xalay ka dhacday xaafado ka mida Degmooyinka Woqooyiga Muqdisho.

Xaalada Guud Ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan iyadoo qasaara xoogan uu ka dhashay dagaal iyo duqeyn  xalay ka dhacday xaafadaha Woqooyi Ee Caasimada Muqdisho.

Illaa 4-qof ayaa ku geeriyootay 6-kalana dhaawac ahaan ayaa loo geeyay Isbitaalada ka dib dagaal iyo duqeyn xalay maqribkii ka dhacday Degmooyinka Woqooyi Ee Muqdisho.

Dagaalka xalay Magaalada ka dhacay ayaa waxa uu ahaa mid saf balaaran ah iyadoo Islaamiyiinta ay weerar ku qaadeen dhammaan Deegaanada ay uga soo horjeedaan Dowlada Ee Woqooyiga Muqdisho.

Saaka ayaa waxa uu jawiga yahay mid dagan oo aan dagaal jirin iyadoo labada dhinac ay kala joogaan aagagii dagaalada ay ku galeen xalay Ee Degmooyinka Shibis,Boondheere,C.Casiis iyo Kaaran.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.