Xaalada Magaalada Kismaayo oo Dagan Iyo Isusocodka Dadka, Gaadiidka Iyo Ganacsiga oo dib u bilowday.

Posted on Oct 3 2009 - 12:18pm by News Desk
Tweet
Pin It

kismayo

Bartamaha(Kismayo):- Kadib dagaal qaraar oo maalin kahor gudaha magaalada kismaayo ku dhex maray ciidamadii uu hogaaminayay Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ee hoostaga xarakatu shabaabul mujaahidiin ayaa waxaa iminka degan xaalada guud ee magaalada kismaayo, iyadoona ay caadi ku soo laabteen dhaqdhaqaaqa ganacsi ee suuqyada magaalada kismaayo, isusocodka dadka iyo gaadiidka iyo weliba goobihii waxbarasho ee gudaha magaalada kismaayo.

Ayadoo sidoo kalena ay maanta dib u furmeen shirkadihii xawaaladaha iyo waliba kuwii korontada siin jiray qeybaha kala duwan ee magaalada kismaayo, kuwaasi oo awal uxirmay dagaaladii iyo xiisadihii colaadeed ee dhawaan ka aloosnaa gudaha magaalada kismaayo ee xarunta gobolkani j/hoose.

Waxaana sidoo kale maanta dib usoo laabanaya dadkii kubarakacay dagaaladii maalin kahor ka dhacay gudaha magaalada kismaayo kuwaasi oo awal gaaray deegaanada goobweyn, buulogaduud, jaamame iyo weliba deegaano kale oo kuyaal waqooyiga iyo galbeedka magaalada kismaayo.

Waxaana imaanshaha dadkani ay ka danbeeysay kadib markii galabnimadii khamiistii aynu soo dhaafnay lagu kala baxay gacan ku haynta magaalada kismaayo, taasi oo ay la wareegeen xoogaga Xarakatu shabaabul mujaahidiin ee ka arimiya qeybo badan oo katirsan koonfurta wadanka Soomaaliya, ayadoona sidoo kale halkaasi ay isaga huleeleen ciidamadii uu hogaaminayay Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo katirsan saraakiisha ururka xizbul islaam islamarkaana dagaalkii khamiista kahor ku sugnaa gudaha magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Xaaladahani daganaansho ee laga dareemayo guud ahaan  magaalada kismaayo ayaa kusoo beegmeysa xilli qaar kamid ah dadkii ka barakacay xiisadihii colaadeed ee kajiray magaalada kismaayo ay weli kusuganyihiin daafaha magaalada halka qaar kalena ay dibu ugu soo laabteen guryahoodii iyo goobihii ay ka barakaceen.

 Warar Xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com

 

Â