Bartamaha (Balad-Weyne) Xaalada Magalada Balad-Weyne ayaa saaka dagan ka dib la wareegitaankii Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Ethiopianka Ee Magaaladaasi.
Jawiga Guud Ee Magaalada B/Weyne ayaa saaka dagan ka dib markii Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya ay shalay la wareegeen galbeedka Magaaladaasi oo ay isga bexeen Ciidamada Kooxda Alshabaab.
Galbeedka Magaalada ayaa saaka xaaladiisu tahay mid xasiloon iyadoo Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itboobiya ay ku suganyihiin fariisninadii ay ka samaysteen galbeedka Magaaladaasi.
Dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ayaa caadi ku soo laabtay iyadoo ay xeranyihiin guud ahaan goobaha ganacsiga galbeedka Magaalada halkaasi oo shalay Ciidamada Dowlada ay dhac balaaran u geysteen goobaha ganacsiga.
Ganacsatada Galbeedka Magaaladaasi ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen goobihii ganacsiga ee shalay dhacca loo geystay taasi oo maamulka Gobolka iyo saraakisha dowladaba ay ka gaabsadeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.