Xaalada Deegaanka Xalfooley oo dagan ka dib dagaalo shalay ka dhacay Deegaanada Xadka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ay wadaagaan.

Posted on Aug 10 2009 - 9:02am by News Desk
Tweet
Pin It

maleeshiyBartamaha (Jowhar):-Xaalada Deegaanka Xalfooley Ee dhaca inta u dhexeysa Hiiraan iyo Sh.Dhexe ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid dagan ka dib dagaalo shalay ka dhacay Deegaanadaasi.

Dagaaladan oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa la sheegayaa in ay dhaliyeen dhimashada 6-ruux iyo dhaawaca 15-kale kuwaasi oo ay ku jiraan maleeshiyaadka dagaalada u dhexeeyay.

Maleshiyaadka beelaha dagaalamaya ayaa la soo sheegayaa in ay ku jiraan Aaska askartii shalay uga dhimatay dagaalada iyadoo ay xalay isbitaalada Buula barde iyo Jowhar kala geeyeen raggii kaga dhaawacmay dagaalka.

Dagaaladan oo intooda badan ku saleysan Dhul daaqsmeed ayaa waxa ay noqdeen kuwa soo lab-laabta iyadoo aanay waxgaradka deegaanadaasi marnaba guul la taaban kro ka gaarin dagaaladaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.