Xaalada B/Weyne oo saaka dagan ka dib qarax qasaara geystay oo halkaasi ka dhacay.

Posted on Jul 12 2009 - 5:31am by News Desk
Tweet
Pin It

BaladweyneBartamaha(Muqdisho):-Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa saaka dagan ka dib markii xalay qarax bambaano qasaara gaystay lagu weeraray Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya xilli ay ku sugaayeen Bariga Magaalada B/Weyne.

Qaraxa xalay ayaa la sheegayaa in uu ahaa miinada nuuca Rumuudka laga hago taasi oo loo galiyay goob ay Ciidamadaasi ilaala ka gali jireen Ciidamada Xiliyada habeenkii ah.

Inta la ogyahay waxaa halkaasi ku dhintay ilaa 4-askari oo Ciidamada Dowlada ah ak dib markii ay miinado la kacday Ciidamadaasi iyadoo ay jiraan dhaawacyo soo agaray dad rayid ah.

Ciidamo aad u fara badan ayaa saaka lagu arkayay wadoyinka Magaaldaasi gaar ahaa goobtii xalay weerarka Ciidamada Dowlada lagula qaaday.

Qaraxa oo dadka magaalada B/Weyne ay xalay u malaynayeen bamka Gacanta ayaa saaka waxa ay goobta uu ka dhacay ku arkageen Bohol aad u weyn oo miinadu ay ka qoday goob inta badan askarta ay kuraasi dhigan jireen .

Jawiga Magaalada ayaa saaka u muuqda mid xasiloon iyadoo Ciidamada Dowlada ay baaritaano aan sidaa u xoog badnayn ay ka sameeyeen xaafadaha la jaarka ah goobta falka dhimshada sababay uu ka dhacay.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.