Xaafadaha Woqooyiga Muqdisho oo Barakac Balaaran uu ka socanayo.

Posted on Mar 11 2010 - 6:46am by News Desk
Tweet
Pin It

barakac2_muqBartamaha(Muqdisho):-Barakac xoogan ayaa saaka ka bilowday Xaafadaha Dagaalkii shalay uu saamaynta xoogan ku yeeshay ka dib qasaara shalay shacabka gaaray.

Dadkii yaraa eek u haray Degmooyinka Yaaqshiid,Kaaraan,Shibis iyo Huriwaa ayaa bilaabay in ay saaka isaga cararaan deegaanadaasi markii shalay duqeyn ba’an loo geystay xaafadaha shacabka ay daganyihiin.

Xaafadaha Wodooyiga Muqdisho ayaa lagu arkayaa gaadiidka dadweynaha oo ay ku barakacayaan dadka shacabka ah eek u haray degmooyinkaasi ka mida Woqooyiga Magaalada Muqdisho.

Saaka waxaa si toos ah loo baneeyay Xaafadaha Kaaraan gaar ahaan Suuqa Degmadaasi iyo Deegaanka Arjantiin iyo dhanka Degmada Yaaqshiid oo dadka ay ka cararayaan duqeynta.

Inta badan xiliga uu dagaal ka dhaco magaalada waxaa isaga carara dadka shacabka ah oo door bida in ay ku noolaadaan duqeedka magaalada Muqdisho iyo gobo kale oo ka yara ammaan wanaagsan xaafadaha la duqeeyo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.