Bartamaha (Muqdisho):- Sida muuqaalada hoose aad ka dheehan kartaan wiilkan waxa uu ahaa mid ka mida Maleeshiyada Shabaabka kaasi oo ay qabteen Ciidanka Amisom.
Wiilkan ayaa maalin ka hor lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho markii lagu qabtay dagaal ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho iyadoo wiilkaasi uu ahaa askari dagaalamayay oo lagu qabtay dagaalka.
Saraakiisha Amisom ayaa waxa ay wiilkaasi sheegeen in ay barbaarin iyo barashada Nolosha ay barayaan isalamarkaana laga ilaalinayo dhibaatada inta uu ka baranayo nabada guud iyo sida loo noolaado.
Wiilka yarka ah oo lagu magacaabo Maxamed Macalin Aadan ayaa waxa uu ku adkaystay in uu la dagaalamayay Cadowga Alle iyo koox uu ugu yeerayay Murtadiin alle ka furtay oo uu ula kala jeeday Ciidanka Amisom iyo kuwa Dowlada.
Wiilkan Shabaabka ah ee la qabtay ayaa waxa uu cadeeyay in marnaba aanu ku fekerayn in la qabanayo balse uu jeclaa in la dilo inta aan la qaban taasi uu ku cadaynayay fekerkiisa uu ku adkaysanayo.
Wiilkan oo aad u da’yar ayaa waxa uu diiday in uu salaamo Saraakiisha Amisom isagoo diidayay in gacantiisa ama garabkiisa la qabto taasi oo ka dhignayd in uu iska diidanyahay Saraakiisha Amisom iyo kuwa Dowlada gacmahooda.
Wiilkan ayaa erayo culculus u adeegsanayay Saraakiisha Amisom iyo kuwa Dowlada waxaana si daganaan ah saxaafada ugu soo bandhigay saraakiisha Amisom oo afhayeenkoda uu sheegay in la dhowri doono wiilkaasi lana barayo nabada.
DAAWO SAWIRADA:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika
Shalay aydhis buu qabay
Maantana bal eeg adi
Dhurwaagii abaaraa
Ooga jeer mamoodaa
Duxna waa agtaalaa
Asagoo abaarsaday
Oogadu kuguban tahay
Ayuu soo aroor tagay
Intifaaci lagu gaday
Oogaduu kadhaashaday
Wuxuu nagu afuufaa
Ubadkeen kulaayaa
Aarmiyo rasaas badan
Taasuuna ujoogaa
anigoo ah ruux aan sidaa u sii jecleen tuugada la baxday magaca shabaab ayaan hadana waxaan wiilkan ka dhex arkay wax loo baahanyahay in aan wada fiirino waa midoo waxuu diidanyahay inuu salaamo nin uu u arko gaal iyo cadow illaah waa mid loo baahanyahay oo meel ku dheg aan 2 wajinimo laheen waa hadii kuwa isaga soo marin habaabiyey ay yihiin kuwa sida wiilkan iyagu aaminsan waxa ay soo sheegeen.
kkkkkkkkk, hala yaabiin, miskiin, waa wild without education,; al shabab baa khudbab dheha kaga qaaday.
abou fatima. gabaygaagu waa mid gaboobey ,ha iloobin inaad madow tahay (you are african) bil laba, aydhiska soomalida wuu ku dhacaa, fahamti ,