WFP oo quus ka muujisay howl ay dib uga bilowdo Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Posted on Jan 9 2010 - 8:36am by News Desk
Tweet
Pin It

wfp_logo1Bartamaha(Muqdisho):-Hay’ada Cunada Adduunka WFP ayaa rajo xumo ka muujisay howlo dhanka gargaarka ah oo dib ay uga bilowdo Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay hay’ada Cunada Adduunka Ee WFP ayaa waxa uu sheegay in dalka soomaaliya aanay xiligan howl ka bilaabi doonin inta is badal lagu samaynayo dhaqanka Kooxda Islaamiyiinta.

Emilia Casella oo ah afhayeen u hadashay hay’ada Cunada Adduunka WFP oo ku sugan Magaalada Geneva ayaa waxa ay sheegtay in soomaaliya xiligan ay tahay meesha ugu qatarta badan .

Emilia Casella ayaa intaasi ku dartay in in SAoomaaliya ay shaqo ka bilaabayaan haddii ammaankooda loo nabad galinayo oo la sugayo islamarkaana raashinka nidaamka ay hay’ada ku qaybiso la qaadanayo.

Hay’ada ayaa xustay in ay ogtahay dhibaatada cunna la’aan ee haysata shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Barakacay iyo kuwa haatan ku sugan duleedyada magaalooyinka.

Hay’ada ayaa sababta ugu badan ay ka cabanayso ay tahay ammaan daro iyo amar ka baxsan qaabka maamulka hay’ada Cunada Adduunka WFP taasi oo ah mid aan la qaadan Karin.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.