Waxgaradka Gobolka Sh/Dhexe oo hay’adaha gar-garka ugu baaqay in ay u soo gurmadaan shacabka ku nool Bariga Gobolkaasi.

Posted on Sep 9 2009 - 3:03pm by News Desk
Tweet
Pin It

waxgaradkaBartamaha(Jowhar):-Odayaasha dhaqanka Gobolka Sh.Dhexe ayaa soo saaray baaq ay u jeedinayaan hay’adaha samafalka si ay wax ugu qabtaan dadka abaaraha ay saameeyeen gobolka.

 

Kulan ay magaalada Jowhar ku yeesheen waxgaradka deegaanada gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay ku sheegeen in xaalada baar ay ka jirto qeybo ka mida gobolkaasi gaar ahaan deegaanada bari ee gobolkaasi.

Qaar ka mida nabadoonada ayaa waxa ay sheegeen in xaalada nolosha gobolka ay tahay mid aad looga dayriyo islamarkaana ay dhibaato ka taagantahay deegaanada gobolkaasi.

 

Abaaraha ayaa la sheegay in ay ku dhifteen Cadale,Ruumid-good,warshiikh iyo deegaano kale kuwaasi oo xaalada nolol xumo ay ka jirto taasi oo sabab ka dhigtay in dad iyo duunyaba ay gaajo u geeriyoodaan.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.