Wasiirkii dhalinyarada iyo Isboortiga ee Somalia Saleebaan Colaad Rooble oo Geeriyooday

Posted on Feb 12 2010 - 6:11pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

wasiirkaisboortiga_jpg1
Wasiirkii Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Saleebaan Colaad Rooble ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla waddanka Sa’udi Arabia oo lagu daweynayay.

Allaha u naxariistee, Saleebaan Colaad Rooble waxa uu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii is qarxinta ee ka dhacay hotel Shamo, bishii December ee sanadkii hore.
Waxa dhaawaca wasiirka bilihii ugu danbeysay lagu daaweynayey dalka Sacuudiga ka dib markii lag soo qaday isbitaal-ka Aga Khan ee magaaladda Nairobi, dhaawaca wasiirka ayaa ahaa mid aad u culus ugu danbeyntiina u geriyooday.

Allaha u naxariistee Mudane Suleeyman Colaad Rooble waaxa uu noqonaya wasiirkii Afaraad oo dowladda uu hogaamiyo Sheikh Shariif ee ku geeriyooda sanad gudahood.
Xafiiska Bartamaha ee Nairobi-Kenya
Ibraahim Da’ud Abdalle