Wasiirka arimaha Dibedda ee Iiraan Manoucher Mottaki ayaa hoosta ka xariiqay iney aad u daneynayaan in xal kama dambeysa ah  loo helo xaaladda murugsan ee  Soomaaliya.
Halkaan ka dhageyso warbixinta iiraan kenya somalia
Nairobi: Bartamaha-Wasiirka arimaha dibedda ee iiraan Mottaki oo safar labo maalmood ah ku yimid qaaradda afrika ayaa waxa uu sheegay muhiimada ay leedahay in xalka kama dambeys ah laga gaaro xaaladda Soomaaliya.
Mottaki ayaa maanta soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kadib safar uu ku tagay magaalada kampala ee xarunta dalka Uganda.
Wasiirku waxa uu maanta la kulmay dhigiisa dalka Kenya moses wetangula oo ay kawada hadleen xaaladaha dalka soomaaliya iyo tan gobalkaba.
Mottaki oo la hadlayay warbaahinta kadib markuu dhamaaday kulankii uu la qaatay wasiirka arimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu arko shir afar dhinac ah oo dhex mara Iiraan, Kiinya, Soomaaliya, iyo dalalka wadamada ku bahoobay urur goboleedka Igad si markaasi sare loogu qaado isku xirnaanta iyo wacyiga urur goboleedka Igad ee ku aadan dhibaatada ka aloosan Dalka Soomaaliya.
Urur goboleedka Igad ayaa waxa ku bahoobay 7 dal oo ku yaalla qaarada afrika geesteed bari kaasi oo ka shaqeeya isku xirnaanta iyo horumarka gobolka, waxayna xaruntiisu ku taallaa Dalka Djibouti.
Sidoo kale wasiirka arimaha dibedda iiraan ayaa kala hadalay dhigiisa Kenya xiriirka ganacsi ee labada dal waa iiraan iyo kiinyee, iyagoo markaasi si wada jira hoosta uga wada xariiiqay in sare loo qaado xiriirika ganacsi ee ka dhexeeya labada dal.
Wetangula oo isaguna ka hadlayay safarka wasiirka arimaha dibedda ee Iiraan ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in xukuumadda Nairobi ayaa aad u daneynayso sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka ganacsi ee labada Dal.
Wetangula ayaa sheegay in shirkadaha reer iiraan ay horey uga hawl galayeen gudaha dalka Kenya gaar ahaana mashaariicda dhismaha wadooyinka balse waxa uu intaasi ku daray in la fududeyn doono qaabkii uu iskaashi iyo wadashaqeyn lahaa shirkadaha iiraan iyo kuwa kenya.
Cabdiqafaar Axmed Shire.
Nairobi, Kenya