Wasiir ku xigeen kale oo is casilay.

Posted on Nov 21 2010 - 11:18am by News Desk
Tweet
Pin It

Wasiirada-Cusub-1Bartamaha (Muqdisho):- Xilli weli aan la ansixin xukumada dhawaan la magacaabay ayaa waxaa soo baxaya masuuliyiin iska casilaya xilalka ay qabteen.

Waxaa saacada ka hor shirjaraa’id ku qabtay gudaha Muqdisho isku casilay Wasiir ku xigeenka  Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Feysal Cumar Guuleed.

Masuulkan ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in xilkan uu iska casilay ka gadaal markii Beesha uu ka dhashay ay ku qanci waayeen xilka la siiyay kaasi oo u qalmi waayay.

Masuulkan xilka maalmaha yar uu haayay ka dib isaga casilay ayaa waxa uu ka gaabsaday in uu sababo kale u yeelo is casilaadiisa oo uu ku soo koobay in beeshiisa ay aqbali waysay xilkaasi.

Is casilaada ayaa waxa horay u bilaabay Cabdicasiis lafta Gareen oo 24-saac isaga oo haayay xilka Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah .

Lama oga in is casilaada wasiir ku xigeenadaasi ay saamayn doonto ansixinta Goalaha wasiirada oo saacadaha soo aadan la filayo in Baarlamanka ay codka Kalsoonida u qaadaan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

.