Wasiir dowlaha aan wareegtadii lagu magacaabay lahayn Yuusuf Indha Cadde oo jawaab kulul ka bixiyay fariintii ka soo yeertay Hoggaanka Kooxda Alshabaab.

Posted on Jul 6 2009 - 6:41am by News Desk
Tweet
Pin It

IndhacadeBartamaha(Muqdisho):-Sheekh Yuusuf Maxmed Siyaad Indha-Cadde oo ah sargaal ka mida Ciidada Dowlada ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii xalay ka soo yeeray Hoggaanka Kooxda Alshabaab Sheekh Abuu-Zubayr kaasi oo uu ku tilmaamay mid aan wax la maqli karo ahayn maadaama uu sheegay in Sheekh Axmed Godane aanu wax sal ah ku lahayn aqoonta Diinta Islaamka.

Wasiir dowlaha aan wareegtadii lagu magcaabay la helin Sheekh yuusuf Indha cadde ayaa waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray Abuu-Zubayr u yahay mid aan dhag jalaq loo siin karin maadaama uu yahay mid bulshada lagu aldayo isla mar’ahaantaana uu adeegsado dhalinyarada aan aqoonta Diinta u lahayn.

“Axmed Godane aayadaha qur’aanka oo uu daliishanayo ma aha kuwa uu yaqaano ee ha barto Diinta Islaamka yaanu qaldin ciyaalka soomaaliyeed,Teeda kale ma aha nin diinta ehel u ah cabsi darteed ayuu waxa uu noqdaa wax ilaah mamnuucay taasi oo ah shabahida Haweenka,waxa uu wattaa Indha Shareer,Jalbaab iyo Iskaalshaha gabdhaha muxajabadka ah marka Axmed Godane ha noqdo nin rag ah ka dibna ragga ha soo hor’istaago”ayuu yiri sargaalkaasi jagadiisa muranka uu ka taaganyahay ee lagu magacaabo Yuusuf Indha Cadde.

Hadalkan ka soo baxay sargaalkaasi ka mida Ciidamada Dowlada ayaa imaanaya xilli hogaanka alshabaab oo u jeediyay Ciidamada dowlada la shaqeeya in muddo 5-cisho gudahood ah ay isku soo dhiibaan Ciidamada Mujaahidiinta kuwaasi oo uu sheegay in ay hubka ka dhigayaan askartaasi maadaama aanay xal u haynin dalka.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.