Bartamaha (Muqdisho) Wasaarada Lacagta Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay lacago qorsheysan ka qaadi doonaan gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Wasiirka lacagta Dowlada KMG ee soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (yariisow) ayaa sheegay in hab dowladeed loo qaadi doono lacagaha la doonayo in laga qaadi gaadiidka ka shaqeeya Wadada Ex-Control Afgooye.
Wasiirka Lacagta ayaa tilmaamay in la bilaabayo canshuur laga qaadi doono Wadada Ex-Control gawaarida ka shaqeysa taasi oo uu sheegay in habka canshuurta dakada iyo garoonka Muqdisho oo kale lacagahaasi loo qaadi doono.
Ammaanka wadada Afgooye ayaa maalmihii la soo dhaafay ahayd mid aad u wanaagsan halkaasi oo ay dageen Ciidamada Daraawiishta Dowlada Soomaliya.
Lama oga lacagahan ay sheegtay Wasaarada lacagta in laga qaadayo gaadiidka Wadada Afgooye ammaanka waxa ay u dhimi doonto xilli horey lacagihii laga qaadi jiray wadadaasi ay ahayd mid aad u culus.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.