Bartamaha (Gaal-kacyo):-Ciidamo ka tirsan Kooxda Ahlu-sunnah Wal-Jamaaca ayaa xalay xarunta Idaacada Codka Mudug kala baxday Wariye ka tirsan Idaacadaasi .
Ciidamo watay dareeska Kooxda Ahlu-Sunnah Wal-jamaaca ayaa la xaqiijiyay in fiidnimadii hore Ee Xalay ay galeen gudaha Xarunta Idaacada Codka Mudug hyalkaasi oo ay kala bexeen Wariye Liibaan Cajiib Xaaji.
Wariyaha ayaa xiliga halkaasi laga wadanayay waxa uu ku jiray howshiisa caadiga ahayd iyadoo ay Ciidamada Saraakiil la socotay ay sheegeen in ay soo baarayaan wariya oo uu dinbi ka galay Ahlu-sunna wal-jamaaca.
Wariayaha ayaa waxa uu yahay mid ka shaqeeya Idaacada Codka Mudug ahna wakiilka Idaacada Shabeele Ee Gaalk-kacyo iyadoo aanan la ogayn warka lagu haysto Saxafigaasi halka uu ka baxay.
Xafiiska Bartamaha Warar Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.