Waraaqo Digniin ah oo Isbitaalka Madiina loo daadiyay iyo Maamulka Isbitaalka oo walaac ka muujiyay.

Posted on Oct 7 2009 - 2:43pm by News Desk
Tweet
Pin It

madina hospBartamaha(Muqdisho):-Kooxo aan la ogaan ayaa maanta waraaqo digniin ah u daadiyay Shaqaalaha iyo Maamulka Isbitaalka Madiina Muqdisho taasi oo walaac ay ka muujiyeen Howlwadeenada Isbitaalka.

Maamulka Isbitaalka Madiina Ee Muqdisho ayaa manta soo bandhigay waraaqo waraaqo digniin ah oo barqanimadii maanta lagu daadiyay hareeraha Isbitaalka Madiina Ee Muqdisho.

Waraaqaha ayaa lagu sheegay in la dilayo dhammaan Shaqaalaha iyo Maamulka Isbitaalka haddii aanay joojin daweynta Ciidamada Dowlada oo qoraalka lagu sheegay in ay Murtadiin yihiin .

Agaasimaha Isbitaalka Dr.Maxamed Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in Isbitaalka maanta ammaankiisa uu qalqal galay shaqaalahana ay cabsi la soo derestay waraaqaha markii xilli maalin ah lagu daadiyay gudaha iyo hareeraha isbitaalkaasi..

Agaasimaha ayaa sheegay in Digniinta lo jeediyay dhammaan shaqaalaha iyo hay’ada ICRC islamarkaana ay kooxo aanay arag ay qoraalkaasi ku soo daabaceen waraaqo Bambo iyo Bastoolad lagu soo sawiray.

Illaa haatan lama ogaan cidda ka danbeysa qoraalkaasi digniinta ah balse shakki xoogan ayaa ka dilaacay Isbitaalka oo shaqaalaha iyo Maamulka ay walaac ka muujiyeen qoraalkaasi digniinta ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.