Dowladda Soomaaliya oo gaashanka u daruurtay warbixin ay soo saartay HRW

Posted on Aug 15 2011 - 8:13am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

YarisowQairo (www.Bartamaha.com):-Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ayaa ku gacan seertay warbixin ay horey u soo saartay hay’adda xuquuqda aadana ee Human Rigtts taasi oo ahad in dowladda Soomaaliya ay dalka ka geesatay xadgudubyo bini’aanimo.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Egn.C/raxmaan Cumar Cismaan {Yariisoow} oo ay soo xiganeysoy VOAda qaybteeda Ingalishkain aysan dowladda Soomaaliya dalka guddahiisa ka geeysan xadgudubyo bini’aadannimo hasa ahaate arrimahaasi lagu yaqaano kooxda Shabaab.

Eng. Yariisoo ayaa sheegay in waxbixinta human riths loogu dan lahaa kooxda Shabaab oo dalka tacdiyado kala duwan ka geysatay waxa uu hoosta ka xariiqay in kooxda Shabab sanadihii ugu danbeeyay ay sii laba jibaartay dhibaatooyinka xagga bini’aadannimada waxa uu xusay in intaa ay wehliyaan dagaalladii sukeeyay ee dalka ka dhacay,

“dowladda soomalaiyeed waa mid u taagan sidii dalka looga samata bxin lahaa dhibaatada haysata islamarkaana loogu gudbi lahaa marxalada kala guurka ah FTG shaqeedu ma ahan in ay iska joogto laakin waxa ay qabatay dad badan ayaa ku nacfiyay hasa ahaate su’aasha isweydiintu mudan waa kuma cida ka danbeysa xadgudubyadii dalka dhacay taasi waa ay iska cadahay oo kooxda Shabaab ayaa ku caan baxday arrimhaasi” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Eng. Yariisoow ayaa farta ku fiqay in dowladda ay wada shaqeyn ballaaran la leedahay dowladdaha waa way nee caalamka sida dowladda Mareykanka iyo kuwa kale, isagoo xusay in al Shabaab cirib tirkoodu uu meel gabgabo ahay marayo si aysan dalka mar danbe uga dhicin xadgudubyo bini’aadannimo ah.

Xigasho VOA/ Qaybta English-ka

www.Bartamaha.com Waa isha wararka Soomaalida iyo kuwa Caalamka.