War Deg-Deg ah:-Xildhibaan Caawa lagu dilay Magaalada Garoowe .

Posted on Nov 11 2009 - 6:43pm by News Desk
Tweet
Pin It

breaking-news bartamahaBartamaha(Garoowe):-Kooxo hubaysan oo Caawa Magaalada Garoowe ku toogtay Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland kaasi oo lagu dilay goob maqaahi ah.

Kooxo hubaysan ayaa fiidnimadii Caawa toogasho ku dilay Xildhibaan Ibraahim Cilmi Gaab xilli uu ku sugnaa Bartamaha Magaalada Garoowe halkaasi oo rasaas lagula beegsaday.

Kooxaha dilka gaystay ayaa waxaa la sheegay in ay wateen Bastoolado kuwaasi oo isaga cararay goobta ay dilka bareerka ah ku geysteen iyadoo Ciidamada Ammaanka ay wadooyinka Garoowe soo buuxiyeen.

Dilka Xildhibaanka ayaa waxa uu qeyb ka yahay ammaan daro dhawaanahan ka aloolsanayd deegaano ka mida Puntland oo ay Kooxo hubaysan dilal iyo qaraxyo ka bilaabeen Magaalooyinka Gobolka Puntland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.