Bartamaha(Afmadow):-Ciidamo Xoogan oo ka mida kuwa Wilaayada Islaamiga ah Ee Alshabaab Juboyinka ayaa daqiiqado ka hor gacanta ku dhigay Degmada Afmadow oo ay ku xooganaayeen Xizbul Islaam.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Alshabaab ay si nabad galya ah ku qabsadeen Afmadow ka dib markii Ciidamada Xizbul Islaam ay isaga bexeen Deegaankaasi Afmadow.
Ciidamada ayaa la sheegayaa in ay Jihooyin badan ka galeen Degmada Afmadow ayadoo halkaasi aanu ka dhicin wax dagaal ah balse ay barqanimadii maanta isaga bexeen Ciidamadii uu watay Sheekh Axmed Madoobe oo deegaanka baneeyay.
Wararka Deegaankaasi ka soo baxaya ayaa isasoo taraya iyadoo haatan ay isgaarsiinta hawada ku soo laabatay Wixii ku soo kordhana waxaad kala soconkartaan www.Bartamaha.Com Insha Allaah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.