Bartamaha(Muqdisho):-Saraakiil iyo Askar ka mida Ciidamada Daraawiishta iyo dad shacab ah ayaa maanta qasaara dhimasho iyo dhaawac leh uu ka soo gaaray qarax loo dhigay Wadada Ceel-Gaab.
Qaraxa ayaa waxa uu la kacay gaari ay wateen Ciidanka Daraawiishta Dowlada Soomaaliya iyadoo halkaasi ay ku dhinteen Saraakiil uu ka mid ahaa Taliye xigeenka 2-aad Ciidanka Daraawiishta Afey iyo rag kale .
Qarax ayaa sababay inta la xaqiijiyay dhimashada 4-askari iyo 2-shacab ah iyo dhaawaca 9-kale oo shacab iyo Ciidanba leh markii Miinada ay ka kacday meel ay dadka ku badnaayeen Isgoyska Ceel-Gaab Degmada Xamar Jajab.
Ciidamada la qarixiyay intooda badan kama aanay badbaadin qaraxa sida uu xusay mid ka mida Saraakiisha Daraawiishta oo www.Bartamaha.Com la hadlayay iyadoo goobtaasi ay gaareen madax Cidamada Dowlada ka socday.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.