Bartamaha(Muqdisho):-Qaraxyo Bambaano ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay Xaafada Afisyooni Degmada Waabari halkaasi oo dhawaanahan muran xoogan uu ka taagnaa.
Qaraxyo is xig xgigay ayaa Caawa laga maqlay Xaafada Afisyooni Degmada Waabari halkaasi oo galabta ay soo buuxiyeen Ciidamada Militariga Dowlada oo fariisni ka samaystay Wadada Afisyooni inteeda badan oo ay ilaala xoogan ka hayeen.
Abaara 8:30-Mirir ah aya Bambaano lagu tuuary Ciidan Dowlada ka tirsan oo ku sugnaa Dugsigii 21-October halkaasi oo tacshiirad xoogan ay ka dhacday qasaarana uu gaaray Ciidankii qaraxa lagu weeraray iyo qof shacab ah oo ay dileen askarta.
Daqiiqada ka dib ayaa Bam kale lagu tuuray Ciidanka Militariga ee ku sugan dhismaha Afisyooni halka laga galo oo dhawaan qarax miino ka dhacay iyadoo Bamkaasi sabab ka dhigay in Ciidanka ay ku soo faafaan dhammaan xaafadaha Degmada Waabari.
Jawiga Degmada ayaa weliu qasan waxaana la maqlay Qarax kale kaasi oo la qiyaasayo in lagu weeraray askarta ka soo baxday saldhigyada Caawa lagu weeraray taasi oo keentay in Ciidamada ay ku soo faafaan Xaafadaha Degmada Waabari.
Rasaas aya laga maqlayaa Xaafada Degmada oo dhan taasi oo la qiyaasayo in Ciidamada oo kaliya ay furayaan wallow Qaraxyada uu qasaara ka soo gaaray askart6a caraysan ee ka soo baxday Saldhigyada lagu weeraray Caawa oo qaraxyada loogu geystay.
Wixii ku soo kordha Xaalada Xaafadaha Degmada Waabari kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia