Bartamaha (Muqdisho):- War hadda naga soo gaaray Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ah uu goor dhow ka dhacay gudaha Villa Somalia.
Fiidnimada Caawa ah ayaa waxaa qarax Xoog badan laga dhex maqlay Villa Somalia ka dib markii Naftood hurayaal ay galeen Villa Somalia sida wararka hadda ay nagu soo gaarayaan.
Ila xog ogaal ah oo www.Bartamaha.Com la hadlay ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa Ismiidaamin lala beegsaday gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.
Wixii soo kordha kala soco www.Bartamaha.Com oo ku mashquulsan xaqiijinta warkaasi iyo Wasaarada warfaafinta oo goor dhow War-Saxaafadeed ka soo saaraysa sida ay masuuliyiinta wasaarada noo xaqiijiyeen.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika