War Deg-Deg ah:-Qarax goordhow ka dhacay Wadada Dabka.

Posted on Jul 10 2010 - 10:11am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaalBartamaha  (Muqdisho):- Qarax xoogan oo lala beegsaday masuuliyiin Dowlada ka tirsan ayaa ka dhacay wadada Dabka Ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa la kacday gaari ay wateen masuuliyiin Dowlada ka tirsan kuwaasi oo la aaminsanyahay in qasaara uu ka soo gaaray qaraxa lala beegsaday.

Qaraxa waxa uu haleelay gaari nuuca Ronerdka ah kaasi oo ay Ciidan iyo masuuliyiin la socdeen iyadoo qaraxa uu ku qabsaday afaafka hore Ee Saldhiga Degmada Waabari Muqdisho.

Ila wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in qaraxa markii uu dhacay ka dib ay rasaas fureen Ciidanka Dowlada oo gaari ay wateen uu yaalay meel aan ka dheereen goobta uu qaraxa ka dhacay wallow qasaara aanay sababin rasaasta ay fureen.

Dadka ayaa isaga cararay goobta waxaana ciidanka Dowlada iyo saraakiisha ammanaka ay isku gadaameen goobta qaraxa uu ka dhacay oo dad badan ay malaynayeen in qaraxa uu ahaa gaari Miinaysan wallow la xaqiijiyay in miinada rumuudka uu ahaa.

Xaalada ayaa aad u xumaatay waxaana Ciidanka ay bilaabeen in ay xaafadaha Degmada Waabari galaan si ay baaritaan halkaasi uga sameeyaan iyadoo ay xusid mudantahay in goobta qaraxa uu ka dhacay uu ku yaalo saldhiga Booliiska.

Lama garanayo masuuliyiinta la weeraray iyo waxa gaaray balse gaariga qaraxa uu haleelay ayaa burbur xoogan uu soo gaaray sida uu soo sheegayo Wakiil wareed www.Bartamaha.Com la soo xiriiray.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi-Kenya.