War Deg-Deg ah:-Madaafiic lagu garaacay Madaxtooyada iyo Jawaab ka soo baxday oo lagu garaacay xaafado magaalada ka mida.

Posted on Dec 17 2009 - 12:59pm by News Desk
Tweet
Pin It

breaking-news bartamahaBartamaha(Muqdisho):-Madaafiic Hoobiyaal ah ayaa lagu garaacay xarunta Villa Somalia iyadoo jawaab  culus oo ka soo baxday lagu garaacay xaafado ka mida magaalada Muqdisho.

Madaafiicda ayaa bilaabatay markii Hoobiyayaal lagu garaacay Madaxtooyada taasi oo jawaab ay ka soo bixiyeen Amisom iyo Dowlada KMG ah taasi oo lagu dhiftay xaafado ka mida Degmada Wardhiigley.

Rasaas goos-goos ah ayaa laga maqlay wadada Frolansa iyo Schoolkii 15-May halkaasi oo ay kala joogaan Ciidanka Dowlada iyo Islaamiyiinta Mucaaradka markii madaafiicda la isdhaafsaday daqiiqado ka hor.

Illaa haatan lama oga qasaaraha kala gaaray Amisom iyo Dowlada oo Madaxtooda wada dagan iyo Mucaaradka oo madaafiic ku garaacay Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo jawaabta ka soo baxday madaxtooyada lala beegsaday goobaha la qayaasay in laga soo tuuray madaafiicda.

Wixii faah-faahin iyo warar ah ee ku soo kordha kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.