Bartamaha (Muqdisho):- Sida war hada na soom garay uu sheegayo waxaa Madaafiic tira badan lagu garaacay Guriga Umada oo uu ka socanayay Kulankii Baarlamanka Soomaaliya oo saaka ka furmay dhismahaasi.
Madaafiic xoogan ayaa lagu garaacay Guriga Umada oo uu ka socanayay shirkii Baarlamanka Soomaaliya kaasi oo maanta ay uga hadlayeen Xildhibaanada Dastuurka Cusub Ee Qaranka oo dhawaan la isku khilaafay.
Duqeynta ayaa la sheegay in ay ku dhacaysay hareeraha iyo dusha sare Ee Dhismaha Golaha Shacabka oo uu shir uga socanayay in ka badan 150-Mudane oo Baarlamanka ka mid ah kuwaasi oo ka badbaaday madaafiicda maanta.
Askar Amisom ka tirsan iyo kuwa Dowlada oo dibada ku sugnaa ayaa la sheegay in qasaara dhimasho iyo dhaawac leh uu ka soo gaaray Hoobiyayaal iyo Madaafici garabka laga gano oo shabaabka soo rideen.
Xaalada ayaa aad u qasantay waxaana la maqlayay madaafiic ay dhanka Suuqa Bakaaraha iyo Wardhiigley u ridayaan Ciidanka Amisom iyo kuwa Dowlada oo jawaab ka bixinayay madaafiicda lagu garaacay Golaha Shacabka.
Wixii faahfaahin dheeri ah kala soco www.Bartamaha.Com.
Xafiisak www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika