War Deg-Deg ah:-Madaafiic ku hoobanaysa Xaafado ka mida Woqooyiga Muqdisho iyo Duqeyn loo geystay shirka Baarlamanka.

Posted on Dec 21 2009 - 9:41am by News Desk
Tweet
Pin It

breaking-news bartamahaBartamaha(Muqdisho):-Duqeyn ba’an ayaa hadda ku socanaysa Xaafado ka mida Woqooyiga Magaalada Muqdisho iyadoo daqiiqado ka hor la duqeeyay Xarunta Baarlamanka uu shirka uga socanayay.

Wararka aynu haatan ka helayno Xaafado ka mida Woqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xiligan duqeyn ba’an ay ku socanayso xaafado ka mida Degmada Yaaqshiid Muqdisho.

Duqeynta ayaa waxaa ay ku dhacaysaa Xaafadaha Suuq Bacaad iyo Sanca halkaasi oo illaa 10-madfac in ka badan xiligan laga maqlay taasi oo weli aan ka joogsan sida ay ku waramayaan dadka Deegaanka.

Dhinaca kale Duqeyn ayaa loo geystay hoolka uu shirka uga socanayay Baarlamanka Soomaaliya Ee Xarunta Gobolka Banaadir halkaasi oo ay ku kala carareen Mudanayaashii kulanka uu u socanayay.

Madaafiic gaaraysay 8-Madfac ayaa ku dhacday hareeraha Xarunta uu shirka ka socanayay taasi oo dad badan ay moodeen in uu ku dhacay Hoolka uu shirka ka socanayay ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka Amisom ayaa adkeynaya ammaanka guud ee goobta uu shirka ka dhacayo iyadoo aan la ogayn qasaaraha ka dhashay madaafiicda ku dhacday xaafado ka mida Degmada Xamar Weyne Muqdisho.

Duqeynta hadda socota iyo tii loo gaystay Baarlamaanka qasaaraha ka dhashay kala soco www.Bartamaha.Com Soo gudbiyaha Wararka Xaqiiqda ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.