War Deg-Deg ah:-Isgaarsiinta oo hadda Hawada laga saaray guud ahaan Gobolka Gal-gaduud iyo Dhuusa-Mareer oo Alshabaab ay qabsadeen.

Posted on Jan 2 2010 - 7:51am by News Desk
Tweet
Pin It

breaking-news bartamahaBartamaha(Dhuusa-Mareeb):-Wararka hadda aynu ka helnay Deegaanka Dhuusa-Mareeb ayaa Xaqiijinaya ion qeybo badan oo Degmadaasi ah ay la wareegeen Alshabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ee soo gaaray Xafiiska Warqabadka www.Bartamaha.Com Muqdisho abaara 10:30-mirir ayaa sheegaya in Ciidanka ALshabaab ay qeybo magaalada ka mida ay la wareegeen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka dagaalka saaka soo qaaday ay qabsadeen xaafadaha bariga dhuusa-mareeb halkaasi oo dagaal qaraar uu saaka ka soo bilowday.

Dagaalka oo ay Ciidanka ALshabaab ka soo qaadeen dhanka Deegaanka Bulacley oo aanay haysan Ahlu Sunnah ayaa la sheegayaa in ay ku soo awood roonaadeen oo ay dhuusa-mareeb ka soo galeen halkaasi.

Xaafado Degmadaasi ka mida ayaa madaafiic ay ka socotaa iydaoo dagaalka uu xoogiisa ka dhacay dhanka bariga oo ay Alshabaab qabsadeen.

Isgaarsiinta Degmadaasi iyo guud ahaan Gal-gaduud ayaa hawada laga saaray daqiiqado ka hor iyadoo aanay jirin wax wada hadal ah oo lala yeelan karo dadka Deegaanadaasi.

Qoraalka Fariimaha Messegyada ayaa la isku diri karaa oo kaliya taasi oo dadka ku sugan dhuusa-mareeb iyo deegaano kale oo aynu kula xiriirnay ay wararkaasi inoo soo gudbinayaan.

www.Bartamaha.Com kala jaan qaad wararkaasi oo idil waxaynu idiin soo gudbin doonaa Xaqiiqda dhabta ah Ee dagaaladaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.