War Deg-Deg ah:-Gudoomiyihii Maxkamada Darajada 1-aad oo Caawa Boosaaso lagu dilay.

Posted on Nov 11 2009 - 6:37pm by News Desk
Tweet
Pin It

breaking-news bartamahaBartamaha(Boosaaso):-Kooxo Wijiyada Soo duubtay oo Caawa Magaalada Boosaaso ku dilay Gudoomiyihii Maxkamada Darajada 1-aad Boosaaso.

Marxuum Maxamed Cabdi Awaare ayaa caawa lagu dilay gudaha Magaalada Boosaaso xilli uu ka soo baxay Salaadii cishaha.

Warar haatan naga soo gaaray Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in uu dhintay taliyaha ka dib tacshiirad ula kac ahayd oo ay ku fureen dhalinyaro afafka soo xertay.

Maxamed Cabdi Awaare Alaha U naxariistee waxa uu ahaa 75-jir in mudda ah ka shaqeynayay howlaha Garsoorka Maamulka Puntland.

Xaalada ayaa ah mid kacsan iyadoo Ciidamada ammaanka ay soo buuxiyeen suuqa weyne Ee Boosaaso halkaasi oo ah goobta marxuumka lagu dilay.

Wixii Warar ah eek u soo kordha Dilka kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.