Bartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab ayaa soo agaasintay banaanbax looga soo horjeedo dhibaatada ay Yuhuuda ka wado Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsaa.
Banaanbaxa ayaa waxa uu xiligan ka bilowday Xerada Maslax duleedka Magaalada Muqdisho iyadoo ammanka ay sugayaan Ciidamada alshabaab.
Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay wadada u dhexeysa Xaafada Suuqa Xoolaha illaa xerada Maslax kuwaasi oo gubay Calanka Israa’iil islamarkaana watay sawiro masjidka Al-Aqsaa.
Illaa xiligan banaanbaxa waa uu socdaa waxaan la malaynayaa in ay ka hadli doonan Madax Alshababa Soomaaliya ka tirsan oo arinta Masjidka AL-Aqsaa ka abaabulay banaanbaxa maanta socda.
Wixii ku soo kordha kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia