War Deg-Deg ah:-Dagaal xoogan oo ka qarxay Tuulada Ceel-Gaal duleedka Balad-Weyne

Posted on Jan 2 2010 - 10:56am by News Desk
Tweet
Pin It

breaking-news bartamahaBartamaha(Ceel-Gaal):-Wararka naga soo gaaraya Baladweyne ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu hadda ka bilowday Deegaanka Ceel-Gaal Ee Gobolka Hiiraan ka dib markii Ciidanka Dowlada ay weerar ku soo qaadeen Deegaankaasi.

Deegaanka Ceel-Gaal ayaa dhaca dhanka Woqooyi Galbeed Ee Magaalada Baladweyne halkaasi dagaal xoogan  uu xiligan ku dhexmarayo Ciidanka Dowlada KMG ah iyo Kooxda Xizbul Islaam ka dib markii dagaalka uu ka qarxay Deegaankaasi.

Weerarka dagaalkaasi ayaa waxaa la sheegayaa in ay soo qaadeen Ciidamada Dowlada KMG ah kuwaasi oo beegsaday saldhig Ciidanka Xizbul Islaam ay ku lahaayeen Deegaankaasi Ceel-Gala oo ay saldhig weyn ku leeyihiin Xizbul Islaam.

Rasaas culus ayaa laga maqalayaa Degmadaasi sida uu sheegayo Wariye ku sugan Magaalada Baladweyne iyadoo abaabul xoogan oo lagu difaacayo deegaankaasi uu ka socanayo Magaalada Baladweyne  Ee Gobolkaasi Hiiraan.

Wixii Warar ah ee dagaalkaasi ku soo kordhaa kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.