War Deg-Deg ah:-Dagaal xoogan oo ka qarxay Degmooyin ka mida Woqooyiga Muqdisho.

Posted on Feb 12 2010 - 5:25am by News Desk
Tweet
Pin It

breaking-news bartamahaBartamaha(Muqdisho):-Dagaal xoogan ayaa xiligan ka socanaya Xaafado ka mida Woqooyiga Magaalada Muqdisho iyadoo madaafiic laga maqlayo magaalada.

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa waxa uu saaka ka socanaya Xaafado ka mida Degmooyinka Woqooyiga Muqdisho halkaasi oo ay isku horfadhiyaan Islaamiyiinta iyo askarta Dowlada.

Goobaha dagaalka uu ka socanayo ayaa waxaa ka mida Degmooyinka Boondheere,Wardhiigley,Shibis iyo Deegaano kale oo madaafiic cul culus xiligan ay ku hoobanayso islamarkaana dagaalka uu saamayn badan yeeshay.

Xaalada Xaafadaha Woqooyiga Muqdisho ayaa kacsan iyadoo laga yaabo in dagaalkaasi uu qasaaro badan sababo maadaama madaafiic lagu garaacayo Deegaano weli ay daganyihiin dad shacab ah oo aan awoodĂ‚  u lahayn Barac.

Wixii ku soo kordha Dagaalkaasi Warbaahinta www.Bartamaha.Com kala soco Insha allaah.

Xafiiska Baryamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.