War Deg-Deg ah:-Dagaal dib uga qarxay Muqdisho iyo Madaxtooyada oo lagu dhawaaday.

Posted on Jul 19 2010 - 11:48am by News Desk
Tweet
Pin It

breaking-news bartamahaBartamaha (Muqdisho):-Dagaalo xoog badan ayaa duhurnimadii maanta ka qarxay xaafadaha Woqooyiga Magaalada Muqdisho xilli Madaxtooyada ay ku soo dhawaadeen Alshabaab.

Duhurnimadii maanta ayaa dagaal xoog badan uu ka qarxay xaafadaha Woqooyiga Magaalada Muqdisho halkaasi oo shalay illaa xalay ay alshabaab guul ka gaareen dagaal ay la galeen Dowlada.

Dagaalka waxa uu xoogiisa ka qarxay xaafadaha Degmada Boondheere oo aad ugu dhow Villa Somalia halkaasi oo ay qabsadeen Maleeshiyaadka Alshabaab oo dagaal kulul shalay illaa xalay kula jiray Dowlada.

Dhawaqa Madaafiicda PM-ka iyo Hoobiyayaasha ayaa laga maqlayay magaalada kuwaasi oo looga fogaynayay Madaxtooyada Maleeshiyada Alshabaab oo xalay u soo dhawaaday Villa Somalia.

Maleeshiyada Alshabaab oo ay ka dhex muuqdeen Kooxo Ajaanib Cadaan ah ayaa waxa ay aad ugu dhawaadeen Villa Somalia markii dagaal ay ku qabsadeen Isgoyska Boondheere oo aad ugu muuqda Mdaxatooyada.

Xalada ayaa weli qasan dagaalkana waxa uu ka socanaya dhismayaasha u muuqada Madaxtooyada taasi oo sababi karta waxyeelada ugu badan maadaama maleeshiyada shabaabka ay madaxtooyada u soo gaareen wax ka yar 5000-Mitir.

Wixii soo kordha www.Bartamaha.com kala soco.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.